Home
About Bakayr Blog
Archive
Other Blogs
Advertisement
Gallery
Contact Us
Avertissement
Articles (Archive)
Media
Other Blogs

Sida Wararka Loo Qoro: Warka Adag
Qore: Maxamed Bakayr
5 July 2011

Waa maxay war? Wari waa dhacdo cusub oo ay tabiyaan wargeysyadu, raadyayaashu iyo telefeshenadu.

Waxaa wararka loo qaybiyaa laba qaybood: War Adag iyo War Fudud (Hard News and Soft News). Cashirkani wuxuu ku saabsanyahay sida warka adag loo qoro.

Warka adagi waa midka xanbaarsan  dhacdo dhiillo ama farxad xanbaarsan sida dad la dilay, dad la xidhay, meel gubatay, abaar dhacday, doorasho la qabtay, jaamacad la furay, ardey qalinjebisay, isbitaal la dhisay iyo wixii lamid ah (iwm).

Warka adag cimrigiisu waa yaryahay. Waxaa badanaa cimrigiisa lagu xadidaa ilaa 24 saacadood gudahood; hadduu intaas dhaafana wuxuu noqonayaa baarixi. Warka adigi waa inuu yahay mid aad u kooban oo akhristaha ama dhagaystaha ka xaqabtiraya dhacdada uu xanbaarsanyahay. Waxaa badanaa lagu koobaa warka adag ilaa 350 eray.

Erayada u horreeya ee warkasta waxaa lagu magacaabaa hoggaanka warka ama murtida warka. Waxaana ka dhex muuqda waxa loo yaqaanno xeeladaha suxufinimo ee war qorista. Xeeladuhuna waa kuwo su’aalo xanbaarsan oo u baahan in laga jawaabo marka wararka la qorayo. Xeeladahaas su’aalaha xanbaarsanina waa kuwan:

Maxaa dhacay? Waa in la sheegaa waxa dhacay.
Yay ku dhacday? Waa in la sheegaa cidday ku dhacday.
Goormay dhacday? Waa in la sheegaa wakhtigay dhacday.
Xaggay ka dhacday? Waa in la sheegaa goobtay ka dhacday.
Maxaa kallifay iney dhacdo? Waa in la sheegaa waxa sababay dhacdada.
Siday u dhacday? Waa in la sheegaa siday wax u dhaceen.

Waa lagama maarmaan in xeeladahan suxufinimo la adeegsado si loo buuxiyo shuruudaha warka adagi leeyhay: koobnaan iyo waafinimo. Xeelahaas la’aantoodna, wuxuu warku noqonayaa mid qubana ah oo isku dhex daadsan, taasina waxay keenaysaa inuu warku tiro bato akhristuhuna ku daalo.

Waa inuu ruuxa suxufiga ah ee wax qorayaa markasta madaxa ku hayaa xeeladahan suxufinimo ee su’aalaha xanbaarsan si warku sidii loogu talagay ugu socdo. Haddii kale, wuxuu warku noqonayaa mid aan madax iyo minjo kala lahayn oo is dhexdaadsan. Waxaana meesha ka baxaysa ujeedadii warka adag oo ahayd koobaan iyo waafinimo.

Intaas kadib, war qoruhu isaga ayaa xor u ah inuu adeegsado erayaduu doono iyo cabiraadiisa goonida ah.

Warku waa inuu leeyahay gunaad fiican oo raad ku reeba akhristaha.


LA SOCO QAYBTA 2AAD

Go to Top 

______________________________________________________________________

Copyright 2009 BakayrBlog.com