Home
About Bakayr Blog
Archive
Other Blogs
Advertisement
Gallery
Contact Us
Avertissement
Articles (Archive)
Media
Other Blogs

Taariikh Nololeedkii Alle Ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Kaahin, 1943-2012
Qore: Mohamed Bakayr
9 february 2012

Waxaa magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, America, ku geeriyooday Maxamed Xasan Kaahin. Alle ha u naxariistee wuxuu marxuumku geeriyooday 4tii bishan Febraayo. Sanadihii u danbeeyay waxay marxuumka iyo reerkiisuba deganaayeen magaalada Atlanta, goobtaas ooy tii Alle ugu timid.

Maxamed Xasan Kaahin wuxuu ku dhashay magaalada Dhagaxbuur sannadkii 1943. Wuxuu waxbarashadiisii hoose dhexe ku qaatay magaalada Jigjiga; kadibna wuxuu waxbarashada dugsiga sare u aaday magaalada Harar.Wuxuuna dugsiga sare ku dhameeyey magaalada Harar.

Marxuumku wuxuu kasoo cararay dalka Itoobiya Sannadkii 1963; wuxuuna yimid Soomaaliya. Wakhtigaasi wuxuu ahaa wakhti ay Itoobiya indha dheer u lahayd dhalinyarada isirkoodu Soomaaliga yahay ee ku noolaa Itoobiya, siiba kuwooda wax bartay. Wakhtigan oo ahaa saddex sano uun kadib markay Soomaaliya xoriyadda qaadatay, waxaa gobolka Soomaalida Itoobiya ka jiray dareen sare oo gobonimo doon ah. Waxayna dhagaha iyo indhaha Soomaalida gobolku ku xidhnaayeen Soomaaliyada kale. Sidaas darteed, Itoobiya way ogeyd dareenka shacabka, siiba ka dhalinyarada.  

Marxuum Maxamed Xasan Kaahin markuu Muqdisho yimid, wuxuu shaqo ka bilaabay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Wuxuuna kacaankii 21kii Octoobar dhashay isagoo warbaahinta ka shaqeeya; wuxuuna muddo gaaban ahaa Wariyaha Madaxweynaha. Laakiin wuxuu mudadaas gaaban kadib dib ugu soo laabtay shaqadiisii hore ee warbaahinta. Wuxuu warbaahinta Soomaaliya kasoo qabtay xilal kala duwan, wuxuuna ka gaadhay ilaa darajada Agaasime Guud  (General Director) ee Idaacadaha Soomaaliya.  

Markii uu bilowday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiy ee ay hormoodka ka ahayd Jabhaddii Somali-Galbeed (WSLF), waxaa marxuum Maxamed Xasan Kaahin lagu soo wareejiyay xafiis ay jabhaddu ku lahayd magaalada Hargeysa. Wuxuuna noqday Guddoomiyaha Jabhadda Soomaali-Galbeed ee Xafiiska Hargeysa. In muddo ah ayuu sii joogay hargeysa kadib markii uu dagaalkii dhamaaday. Ugu danbayntiina wuxuu dib ugu soo noqday jagadiisii hore ee warbaahinta.

Marar badan ayuu  marxuumku waxbarasho dibada ugu baxay. Wuxuuna tababarro kusoo kala qaatay dalalka Maraykanka iyo Jarmalka.

Markii la sameeyay telefeeshinka Soomaaliya, wuxuu noqday Agaasimaha Guud ee Idaacadaha iyo Telefeeshinka Soomaaliya.Wuxuuna jagadaas hayay ilaa burburkii dalka.

Markay Soomaaliya burburtay, wuxuu marxuumku soo aaday magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida Itoobiya. Kadibna wuxuu dhexgalay siyaasaddii Itoobiya ee horraantii sanadihii 1990s. Muddo kadib, wuxuu Maxamed Xasan Kaahin noqday Safiirka Itoobiya u fadhiyay dalka Sanigaal; muddo kadibna waxaa loo bedelay dalka Iran.

Intaas kadib, wuxuu marxuumku sannadkii 1999 magangelyo siyaasadeed ku yimid dalka Maraykanka. Wuxuuna degay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, meeshaas oo uu ku geeriyoodey 4tii bishan Febraayo.

Maxamed Xasan Kaahin wuxuu ifka kaga tagay hal xaas iyo carruur 10 kor u dhaafaya oo kala jooga Itoobiya, Europe  iyo North America.

Ilaahay naxariistiisa haku daboolo marxuum Maxamed Xasan Kaahin. Xaaskii, carruurtii iyo ehelkii uu ka tagayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.


Go to Home

______________________________________________________________________

Copyright 2009--2012 BakayrBlog.com