Dhibaatada Soomaaliya Goormay Dhammaan? : Qaybta 1aad
Qore: Maxamed Bakayr
15 October 2011Soomaaliya waa lala yaabanyahay. Soomaaliya waxay noqotay dal adduunku la yaabo oo mucjisoonyinka laga yaabo loo soo qaato. Waxaad marar badan maqlaysaa iyadoy saxaafaddu leedahay, “ xaaladdu sida Soomaaliya ayay jaahwareersantahay”-- markay xaalad murugsan tilmaamayso.
Soomaaliya waxay noqotay qaran jabay. Qaran iyo dawladna waa kala jaad. Qaran waa dal iyo dad; dawladna waa nidaam wakhti u taliya dal iyo dad. Dawlad dhacday waa laga soo waaqsan karaa, laakiin qaran jabay lagama soo kaban karo.
Qaran jabka Soomaaliya wuxuu keenay col iyo abaar. Soomaaliya waxay noqotay goob ku caanbaxday gaajo iyo dagaallo joogta ah oo lagu riiqdo; col iyo abaarina waa waxyaabaha dadku isku habaaro, luqadii la rabo halloo adeegsado weedha cabiraadeeda. Waxay Soomaalidu isku habaaraan “col iyo abaar ku degtay.” Run ahaantii, Soomaaliya col iyo abaar ayaa degay; xal u helidda dagalkeedun waa mid uu adkaaday.
Dhibaatada Soomaaliya goormay dhammaan? Tani waa su’aal cid kastaaye isweydiisu; meel kastana laga sheego, gudo iyo dibadba. Laakiin jawaabta su’aashu Soomaalida iyo adduunkaba way ku adkaatay; maskaxda fayowna way dawakhisay. Waxbaa khaldan! Maxay u fashilmayaan intaasoo dawladood oo dalka loo sameeyay lana rabay iney qaranka jabay soo yabyabaan?
Soomaaliya waxay noqotay kalama adkaan. Marka kalamaadkaan la noqdana waxba ma xallismaan. 21kii sano ee ay Soomaaliya jaahwareerka iyo dagaalada joogtada ah ku jirtay ma jirto dawlad mucaarad maquunisay ama mucaarad dawlad maquuniyay. Waxay arrintu ahayd walina tahay “maanta waa adi; barrina waa aniga.” “Kalama adkaan; ninba maalintiisa.” Taasina waxay keentay inuu khilaafka iyo dagaalka Soomaaliya noqdo gacmo daalis iyo mid aan dhammaad lahayn. Haddii kooxi adkaato xalbaa la helaa; haddii kalese waa jaahwareer iyo jugjugay meeshaada joog. Laakiin adkaanshaha macnihiisu maaha in kii laga adkaaday cagta la mariyo oo xuquuqdiisa lagu tunto, cagta hoosteedana la galiyo. Xuquuqdiisa iyo noloshiisaba waa la dhawri, laakiin wuxuu ka gacmo laaban jaahwareerka iyo qaska iyo labka uu ku jiray. Markaasna waxaa badbaadaya qaranka oo dhan.
Soomaaliya ma iyadaa is baday dhibaatada haysata mise waa la baday? Tanna waa su’aal kale oo ruuxba si uga jawaabo; jawaabuhuna maaha kuwo geed ka go’an ah, laakiin waxaad arkaysaa ruuxi sidaas uga jawaabay oo barri si kale uga jawaabaya, xaaladaha uu marba arko dartood. Waa jaahwareer. Soomaaliya iyadaa isbaday dhibaatada waana la baday. Soomaaliya waxay qaranimadeedii ku wayday tafaraaruq; tiibayna wali dabada haysaa. Waad arkaysaa inta dhinac ee ay u kala jeeddo iyo dhiilada ka dhextaagan. Tafaraaruqa iyo kala taggu waa mid ay isbaday, laakiin adduunka casriga ah ayaa Soomaaliya baday iney jaahwareerkan daba dheeraaday ku jirto; kalama adkaanimada dalkana meeshan soo gaadhsiiyay. Adduunku wuxuu awoodi karaa inuu wax kasta cagta mariyo oo uu hal dhinac oo kaliya ayido, dhinacuu dooni ha ahaadee. Shacabku nolol bay rabaan, waayo waxay ku daaleen dagaal aan dhammaanaynin oo meel uu ka socdo iyo meel uu ku socdo aan la garanaynin.
Meeshii loo carari jirayna waa laga cararayaa maanta oo masaajidadii ayaaba layska soo galay. Dad badan ayaa noqday duul culimo wareerisay. Wadaadna qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku ritaba isagaa leh.
Dhibaatada Soomaaliya waxay dhammaan markii danaysiga iyo been guurku yaraado, markii kaligii-muslinimadu dhammaato, markii waan daadshaydu (wax walba waan aqaanna) yaraato iyo markay qabyaaladda iyo eexdu yaraadaan.
Bogga Hore Ku Noqo
______________________________________________________________________Copyright 2009 BakayrBlog.com