Haysashada Dhaqankaaga iyo Dhexgelidda Ummado Kale
By Mohamed Bakayr
March 24, 2010Waxaan shaki lahayn in ummad kastaa leedahey dhaqan u gaar ah oo ka sooca ummadaha kale ee aduunka kula nool. Waa run in ummad kastaa ay ku faanto dhaqankeeda soo jireenka ah ee ay ku abtirsato. Sidoo kale, dhaqankastaa wuxuu leeyahay dhinacyo fiican iyo kuwa aan fiicneyn, marka loo fiirsado ee la lafaguro.
Dhaqanka ay ummadi leedahey waa mid badanaa si isdaba joog ah loo kala dhaxlo. Kala dhaxlidda dhaqankuna uma baahna in goobo waxbarasho loo tago, laakiin waxaa laga bartaa bay’ada ay ummadaasi ku nooshahay. Dhab ahaantiina bay’ada ayaa ah macallinka weyn ee dhaqanka u gudbiya jiilal badan oo isdaba joog ah. Sidaas ayuuna jiil kastaa si fudud ula wareegaa dhaqanka iyo hab nololeedkii isaga ka horreeyey. Dhaqanka umadi leedahay waa mid aan u baahnayn in la xasuusto ama la xafido ee wuxuu kamid yahay habnololeedka maalin laha ah ee ummadaas. Sidaas darteed, jiil kasta oo barbaarayaa wuxuu ku indha dilaacsadaa dhaqankaas oo meesha yaalla.
Waxaa xusid mudan in dhaqan ummadeed anaanu ahayn ma doorsoome. Dhaqan kastaa wuu doorsoomi karaa isna badali karaa. Waxyaabaha badala ummad dhaqankeed, sida la qorey, waa waxyaabo adag; waxyaabahaasna waxaa ka mid ah xoog ka tanroon kuna habsada ummad meel dagan lana dagaalama dhaqankeeda. waxaa kaloo ka mid ah ummada oo ka bara kacda bay’adii ay ku noolaan jirtay.
Waxaana iska cad in ummad kasta oo baro kacdaa ay la kulanto dhibaatooyin fara badan oo kala duwan. Sida mid siyaasadeed, mid dhaqaale, iwm. Dadyow badani si fudud ayay u lumiyaan dhaqankooda ka dib markii uu ku yimaado baro kac.
Waxaana shaki lahayn in tiro badan oo ka mid ah ummada soomaaliyeed ay ka baro kacdey bay’adii ay isir iyo farac ugu soo noolaan jirtay, sababa badan awgood. Markaas waxay tahay su’aashu, sideebey ummada soomaaliyeed ee Galbeedka ku nooli dhaqankeeda u heysankartaa ummadaha kalena u dhexgali kartaa? Jawaabta su’aashani waa mid u taalla akhrista kasta, waxayna u egtahay in ay jawaabtu tahay dadaal badan iyo Baryo Eebbe.
Waxaa marag ma doonta ah in qoyskasta oo soomaaliyeed oo ku nool Galbeedku uu wadnaha farta ugu hayo dhaqan doorsoon ku iman kara jiilka isaga ka hadhi doona; waalid badanna waxay u arkaan in ubadkoodu si tartiib ah u sii luminayaan dhaqankii soo jireenka ahaa ee awowyadood. Dhinaca kale, dhalinyaro badan oo soomaaliyeed waxay arkaan in waalidkood wax kasta ku adag yahay, mana arkaan dhaqan weyn ooy ka tagayaan.
Waxaa jira loolan fikradeed oo ka dhaxeeya waalidka Soomaaliyeed iyo ubadkooda barbaaraya. Waxaad moodaa in dad badani aaminsanyihiin in dhaqankaaga laga tago, hadii la doonayo in la dhexgalo ummado kale, iyaga oo adeegsanaya maahmaahyo ay ka midyihiin: Hadadaad joogto meel il laga la’yahay isha ayaa layska ridaa; markaad Rooma joogto samee waxa Roomaanku(Talyaanigu) sameeyaan, dhib malaha in dadkoo kale la noqdo, iwm.
Dhammaan maahmaahyahaas kor ku xusan waa kuwo si khaldan loo adeegsado, looguna talo galay in ruuxa raaca ay dhaqankiisa badalaan. Waxaana cad inay tilmaamayaan dhibaatooyinka uu la kulmi karo qofkasta oo ka bara kaca bay’adii uu ku noolaan jiray.
Way ku adagtahay jiilalka soo kacaya inay dhaqankooda sidii la rabay u haystaan una xafidaan! Dad badan waxay u arkaan in haysashada dhaqanka wanaagsan iyo dhexgalidda ummadi ay yiihiin laba arimood oon is qaadan Karin. In badan oo ka mid ah dhalinyarada soomaaliyeedna waxay aaminsanyihiin in haddii ay tahay inay ilaaliyaan dhaqankii waalidkood ee soo jireenka ahaa ay faraha kala baxaan bay’ada ay ku noolyihiin, iyagoo aaminsan ineyna xubin firfircoon marna noqon karin, haday dhaqankooda heystaan! Waxaana hortaala “ laba daran mid dooro”.
Waxaa hubaal ah inuu jiro culeys badan oo ka imanaya bay’ada qalaad ee ay soomaalidu ku nooshahey. Haddaba, waxaa la gudboon qofkii doonaya inuu dhaqankiisa badbaadiyo inuu dulqaato, dadaal dheerad ahna sameeyo. Haddii loo dulqaato dhibaatada bay’adaha qalaad, waxaa laga yaabaa in ugu dambeystii bay’adaha laftigoodu ku bartaan, aqbalaana dhaqankaaga; taasna waxaa ka dhalankarta inuu qofku si caadi ah dhaqankiisa fiican u heysto isagoo isla markaana ummada uu la noolyahey dheehaya.
Waxaa lagama maarmaan ah in ruuxa meel qariib ku ahi uu daka baro dhaqankiisa, una sheego inuu dhaqankiisu yahay qayb isaga ka mid ah. Haddii kale waxaa imaneysa in qofku ka xishoodo haysashada dhaqankiisa, ugu danbeyntiina uu meel laba dhexaad ah isa soo taago.
Gabagabadii, soomaalida ka soo bara kacdey wadankoodii kuna nool wadamada reer Galbeedka waxay haysankaraan dhaqankooda ummadaha kalena wey dhexgeli karaan, dhibba hakala kulmeene.
Waxaa la gudboon waalidka soomaaliyeed iney ubadkooda ku beeraan dhaqan jacayl, iyaga oo tusaya faa’iidooyinka dhaqan haysashada.
______________________________________________________________Copyright 2009 BakayrBlog.com