Home
About Bakayr Blog
Archive
Other Blogs
Advertisement
Gallery
Contact Us
Avertissement
Articles (Archive)
Media
Other Blogs

Shacabka Degaanka Soomaalida Itoobiya Dagaal beeleedyo Uma Baahna
Qore: Maxamed Bakayr
28 October 2011


Shacabka ku dhaqan gobolka Soomaalida Itoobiya wuxuu u baahanyahay nabad iyo nolol, uma baahna dagaal iyo daaduumid.  Dagaal beeleedkii  dhawaan ka dhacay degaanka Yoocaale ee gobolku wuxuu keenay khasaare aan loo baahnayn in la galo oo qoysas badan noloshoodii burburiyay.

Dagaal beeleed

Soomaalidu waa qabaa’il mid kastaa wax doonayo. Mid kastaana wuxuu isku dayaa inuu muruq iyo maal ka helo qabiilkiisa markay dhiillo timaaddo si aan loo muquunin. Waxayna maskaxda Soomaalidu la wareegtay odhaahda carbeed ee ah “ walaalkaa u hiili gar iyo gardaraba.”

Adduunka dadkii isku degaan ah ayaa is hurran. shacabka degaanka Soomaalida Itoobiya iyagaa is hurran inkastoy kasoo kala jeedaan beelo kala duwan. Dadka ku dagaalamay nawaaxiga degaanka Yoocaale waa muwaadiniin u dhashay degaanka Soomaalida Itoobiya, waana dad ay dan weyni ka dhaxayso. Waa dad aan u baahnayn in meelo kale laga soo faragaliyo ama ay xaqooda ka waayaan dagaankooda; waana iney  iyagu arrintooda sida ugu fiican ku dhamaystaan.

Dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya xilbaa ka saran ilaalinta nabadgelyada shacabka degaanka ku nool. Taasi waxay keenaysaa inaan shacabka gobolka dibadiisa iyo gudihiisatoona lagaga xadgudbin, arrintaasoo kor u qaadaysa kalsoonida iyo wada noolaanshaha shacabka degaanka. Dhamaantood way u simanyihiin degaanka.

Qayb kasta oo kamid ah degaanka Soomaalida Itoobiya waxay hoos timaadaa maamulka degaanka iyo kan dawladda dhexe ee Itoobiya; cid kalena xaq uma laha iney soo faragaliso. Maamul goboleedyada Somaliland iyo Puntland xuduud ayay la leeyihiin dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya, tasoo macnaheedu yahay ineyna si dhibyar isaga soo gali karin degaanka.

Qaab dhismeedka shacabka Soomaalida Itoobiya wuxuu lamid yahay kan Soomaalida kale. Waan qaab dhismeed dhibkiisa leh oo in la fahmo ay adagtahay. Waa qaab dhismeed ku salaysan kala shaki, isaaminaad la’aan, sadbursi iyo isbahaysi. Qabiilba wuxuu doonayaa inuu qabiilkiisa bahaysto meeshuu doono ha joogee.

Arrinta degaanka Yoocaale yayna noqon isaaminaad la’aan meel kalena yaana la gayn. Dawladda degaankuna waa iney wakhti badan galisaa xallinta khilaafaadka ka dhextaagan beelaha is laayay, iyadoy baadhayso arimaha sababay isku dhacyada kana hortagaysa dhibkii kale ee dhici kara.

Shacabka degaanku isagaa is hurran adduunkuna wuxuu marayaa wakhti laga tagay muruqii iyo is muquunintii oo maskaxda si caafimaad qabta loo adeegsanayo.

Bogga Hore Ku Noqo

______________________________________________________________________

Copyright 2009 BakayrBlog.com