Home
About Bakayr Blog
Archive
Other Blogs
Advertisement
Gallery
Contact Us
Avertissement
Articles (Archive)
Media
Other Blogs

Caddaalad Darro Waa Horumar La’aan
Qore: Maxamed Bakayr
4 October 2011

Caddaalad daradu waxay hor-istaagtaa nolasha suuban ee beni-aadamka, waxayna xannibtaa horumarka ummadi higsato.

Caddaalad darro waa in dadka lagu xadgudbo, xaqoodana la qaato. Waxay aadamuhu badanaan ka cawdaan caddaalad darro noocyo badan leh. Caddaalad darro waxay timaad golkii arrintu meeshay lahayd laga leexiyo, sababa jira dartood.  

caddaalad darro

Caddaalad daradu way midabyo badantahay; waxaana kamid ah awood sheegad, dafiraad iyo xaqiraad. Waxaa ka dhasha caddaalad darada isafgaranwaa iyo kala fogaansho, kuwaasoo hoos u rida sharafta dadka horumarkoodana la dagaalama.

Arimaha caddaalad darada keena waxaa kamid ah sadbursi, islawayni iyo aargoosi.  Laakiin caddaalad darada ninka samaynaya iyo kan lagu samaynayaaba way ogyihiin; midba se sibay ula muuqataa; mid way la macaantahay; kan kalena way la kharaartahay.

Caddaalad darro meel kasta ayay gali kartaa. Waxayna haleeli kartaa masuul kasta sida madaxweyne wadan, guddoomiye gobol, guddoomiye degmo, caaqil qabiil, mas’uul qoys, macallin iskuul, dhakhtar isbitaal, iwm.

Waxaa lagama maarmaan ah inuu mas’uul kastaa u caddaalad falo arimha hoos yimaadda ee uu hogaankooda hayo. Danta mas’uulka iyo tan raciyadiisuba waxay ku jirtaa caddaalada; haddii caddaalada la waayana dayac guud ayaa yimaadda. Caddaalad daradu waa arrin xun oo ruuxa barrinsada la degta; waana tilmaan aanu lahayn ruuxa geesiga ahi.

Bulsho horumarkeedu wuxuu ku jiraa iney caddaalad isku dhagdo, wax ku qaybsato  iskuna xukunto. Caddaaladu waa furaha wanaag kasta, waa tubta toosan ee horumarka loo maro, waana dunta adag ee dadka isku haysa.

Go to Home

______________________________________________________________________

Copyright 2009 BakayrBlog.com