Home
About Bakayr Blog
Archive
Other Blogs
Advertisement
Gallery
Contact Us
Avertissement
Articles (Archive)
Media
Other Blogs

Baroortu Orgiga Ka Weyn
By Mohamed Bakayr
13 November 2011

Arrinta dadka masaakiinta ah ee maalin kasta lagu dilo ama lagu xidho waxaad tihiin “Nabad-Diid” waa baroortu orgiga ka weyn.

Gobolka Soomaalida Itoobiya wuxuu noqday meel ay dad fara ku tiris ahi ku amar ku taagleeyaan! Dadka iyo dalk ma iyagaa leh? Mas’uul baad tahay macnaheedu maaha dadka adigaa leh; waxaad doontana waad ku samayn kartaa. Laakiin nasiib darada maanta gobolka ka jirtaa waa anigaa ku leh; waxaan doonana kugu samayn kara; haddaad hadashana, ama waan ku xidhi ama waan ku dili, haddaan doono. 

Xabsi

Nabad-diidka  yaa raacsan? Wuxuu maamulka gobolku muddo badan ku fashilmay inuu kala garto  cidda nabadda kasoo horjeedda iyo cidda aan kasoo horjeedin, taasoo walaac iyo walbahaar joogta ah ku haysa bulshada degaanka. Dad rayad ah oo beesha Jidwaaq ah ayaa markasta lagu laayaa waxaad tihiin nabad-diid; nabad-diid baad taageertaan, iyagoon arrintooda la baadhin lana hubsan ayaa layska dilaa oo cagaf la mariyaa.

Dadka ugu badan ee lagu dilo ama lagu xidho marmarsiinyaha nabad-diidku waxay kasoo jeedaan beesha Jidwaaq, gaar ahaan Abasguul, marka laga reebo beesha Ogadeen, inkastoy beesha inteeda badani kasoo horjeeddo ONLF. 

Magaca Jabhadda ONLF maaha magac dadka ka dhexeeya. Una fiirso oo yayna iskaga kaa qasmin magacyada Absame iyo Ogadenya. Absame waa dhiig iyo wada dhalasho; Ogadenya waa magac gumaysi oo u taagan “Qeybi oo Xukun”. Waan gobanimo jeclahay. Yaa gobanimo neceb; maxayse gobanimadu ku jirtaa? Ma magac gumaysi iyo in maalinwalba dad masaakiin ah la xasuuqo?

Beesha Jidwaaq kamid maaha mana aaminsana mabd’a jabhadda ONLF. Arrintaasi waa mid iska cad lana wada ogsoonyahay, laakiin baroortu orgiga ka weyn. Maxaa nin waxaanu rumaysnayn loogu qasbayaa, looguna dilayaa maalinwalba? Arrintu waxay u egtahay mid ku salaysan danaysi kale iyo ujeedooyin kale oo gaar ah, sida reer hebel baa iga soo horjeeda ee “halla wanjalo si loo laayo, iwm”.

Haddii ninku wuxuu aaminsanyahay loo dilo dhib ma qabo. Ninka doortay inuu jabhadeeyo, kuna dagaalamo mabd’a  uu rumaysanyahay dhimashadiisa wuu qaataa kuna qancaa, laakiin ninka loo dilay mab’da  aanu aaminsanayn ayaa dhib qaba oon dhimashadiisa ku qanacsanayn. Beesha Jidwaaq ma aaminsana qawaaniinta ONLF iyo waxa ay u taagantahay toona; waxay beeshu aaminsantahay midnimada Soomaalida gobolka ku dhaqan iyo horumarkooda.

Dadka ugu badan ee lagu xasuuqo marmarsiinyaha nabad-diidku waxay u badanyihiin beesha Abasguul. Waxaa wali la xasuustaa sidii naxariis darrada lahayd ee 50kii nin ee reerka Yaasuf loogu xasuuqay goobta Mooyaha oo kamid ah degmada Araarso ee gobolka Dhagaxbuur.

Waxaa lagu masabitay iney ka tirsanaayeen ONLF oo ay dagaal kula jireen dawladda degaanka. Sidaas ayaa lagu xasuuqay maalin qudha, haadkuna u cunay. Wax ka daba tagay iyo baadhitaan lagu sameeyay toona ma jiro. Waa danbi ay ciidamada degaanku gaysteen.

Waxaa nasiib darro ah in uu ciidanka degaanku marar badan xasuuqo shacab la rabay inuu nabadgelyadiisa ilaaliyo. Taasina waxay keentay iney bulshadu ka aamin baxdo ciidanka degaanka, taasoo dhaawac weyn ku ah sumcadda maamulka degaanka.

Waxgaradkii degaanku waa gacan ku gabad. Maxaa cabudhiska keenay? Beel kastaa waxay leedahay dad waxgarad ah oo arimaha beeshaas wax ka qabta waxna laga waydiiyo. Iyaga ayaa dhibaatooyin badan xalliya oo lagu kalsoonyahay. Maa la weydiiyo cidda nabad-diidka raacsan iyo cidda aan raacsanayn. Waxaa muuqata iney dawladda degaanku iska indhatirayso kaalinta waxgaradka degaanka. Dawladdu meesha ay doonto ayay guluf ku qaaddaa, iyadoon wax hubsanna dad bay laysaa.

Is miidaamin iyo shacab masaakiin ah oo la xasuuqo waxba tarimayso. Waxaa dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya la gudboon iney baadho cidda nabadda rabta iyo cidda aan rabin. Waana xaqdarro in dad rayad ah la waxyeelleeyo lana laayo, beeshay doonaan hakasoo jeedaane. Ciidamada degaanku waa iney ka fiirsadaan gulufyada ay qaadaan iyo dadka ku dhimanaya.

Bogga Hore ku Noqo

______________________________________________________________________

Copyright 2009 BakayrBlog.com